In ka badan 100 milyan oo qof oo xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah lagusoo rogay dalka india

Laamaha ammaanka ee dalka India ayaa shacabka ku nool in ka badan 80 degmooyin geliyay karantiil iyo xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah kaddib markii halkaasi lagu arkay kiisaska Coronavirus.
Wadankan oo ah kan labaad oo ay dadka ugu tirada badan dunida ku nool yihiin ayaa waxaa uu qaadaya tallaabooyin uu uga hor tagayo fafidda cudurkan.
Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii ra’iisul wasaaraha Indiya Narendra Modi uu dalkaasi geliyay bandow aan khasab ahayn oo lagu tijaabinayay awooda dalkaasi ee ka hortaga cudurka COVID-19.
Rai’isul wasaaraha ayaa Isniinta sheegay in shacabka dalkaasi ay si dhab ah u qaadanin bandoowga isla markaana looga baahan yahay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.
Horay ayaa waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi looga mamnuucay dhamaan hawlaha caadiga ah marka laga reebo adeegyada lagama maarmaanka ah.
Dalkaasi Hindiya ayaa waxaa laga soo tabiyay 417 kiis oo ah cudurka Coronavirus iyo 7 dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here