In ka badan 100 qof oo dheeraad ah oo maanta dalka laga helay Corona Virus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa galabta shaacisaya xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka CoronaVirus waxaana laga helay 133 qof oo dheeraad ah taasi oo tiradA guud ka dhigtay 3,727 inta uu caabuqan ku dhacay.
Kiisakan ayaa soo baxay ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad gaaraya 3,365 tan iyo intii uu dalka ka bilawdayna waxaa cudurka laga baaray 118,701,ruux.
Ismaamulada laga xaqiijiyay kiisaska maanta waxaa ka mid ah
Mombasa, 61,
Nairobi, 53,
Kilifi, (7),
Busia, (6),
Kiambu, (2),
Kajiado, Nakuru, Muranga, iyo Kitui, min (1), kiis ayaa dhamaantood laga diiwangaliyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here