In ka badan 1000 carruur ah oo ilaa iyo hadda uu saameeyay COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda gudaha wadanka uu cudurka COVID19 ku haleelay carruur ay tiradoodu gaarayso 1000.
Bishii saddexaad ee sannadkan ayay ahayd markii fayraska corona laga xaqiijiyay gudaha Kenya.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa warbaahinta u sheegay in carruurtan 768 ka mid ah ay da’dooda tahay 10 sano iyo wax ka sareeya halka 430 ay yihiin 5 sano jir iyo in ka hoose.
Kiisaska cudurka COVID19 ee laga xaqiijiyay gudaha dalka ayaa hadda ah 32,557, dhimashadu waxay tahay 554 halka dadka bogsaday ay yihiin 18,895.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here