In ka badan 1000 dibadbaxayaal ah oo lagu xiray Ruushka

Ciidamada booliska ee dalka Ruushka ayaa lagu soo warramaya inay xabsiga dhigeen ugu yaraan 1000 qof oo mudaaharaadyo dhacay ka qeyb qaatay.
Howlgalada laamaha ammaanka ay dibadbaxyada uga falcelinayaan ayaa lagu sheegay kuwii ugu weynaa ee xukuumadda Moscow ay sameyso sanadihii ugu dambeeyay.
Waxaa lagu bartilmaameedsanaya mucaaradka ka soo horjeedo maamulka madaxweyne Vladimir Putin.
Dibadbaxyada ayaa waxaa dhigay dad doonaya in siyaasiyiinta mucaaradka fursad loo siiyo inay ka qeyb galaan loolanka siyaasadeed waxayna Mr. Putin ku eedeynayaan inuu xilka iyo talada isku dhajinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here