In ka badan 1000 qof oo ku barakacay daadad saameeyay Moyale

Daadad ka dhashay roobab xooggan oo laba maalmood ka da’ayay deegaanka Moyale ee ismaamulka Marsabit ayaa sababay inay guriyooda ka barakacaan ugu yaraan 1000 qof.
Wakiilka deegaanka hoose ee Golbo Sheik Bashir Cabdul Raxman ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameyeen in ka badan 200 oo guriyo ah.
Dadka barakacay ayaa ku noolaa xaafadaha Bori Junction, Kinisa, Yaballi, Watiti iyo Godoma.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in biyuhu ay qaadeen hanti aan qiimaheedu la caymin iyo xoolo dhowr ah.
Sido kale waxaa laga cabsi qabaa cudurada biyaha ka dhasha maadaama roobabka ay weli da’ayaan.
Barasaabka ismaamulka Marsabit Maxamuud Maxamad Cali ayaa sheegay in saraakiisha waaxda qaran ee maareynta musiibooyinka iyo hay’adaha gargaarka aynan u suurtagalin inay caawiyaan qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay maadaama waddooyinka badankoodu ay xirmeen.
Mas’uulka hay’adda laanqeerta cas Kenya u qaabilsan Marsabit Maurice Anyango ayaa asheegay inay qiimeyn sameynayana si loo xaqiijiyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay daadadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here