In ka badan 1,000 qof oo loo xiray inaynan u hoggaansamin bandowga habeenkii

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda gacanta lagu dhigay ugu yaraan 1000 qof oo aan ilaalin amarka ku aaddan bandowga habeenkii dalka ka jiro.
Bandowga ayaa shaqeeya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.
Waxaa uu dalka ka dhaqangalay 27-kii bishii Maarso ee sannadkan iyadoo dowladda ay shaacisay inuu qeyb ka yahay tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19 .
Xoghayaha sare ee wasaaradda arrimaha gudaha u qaabilsan dhanka maamulka Xuseen Daado ayaa tirada dadka la qabtay ku sheegay 1,254 qof.
Waxaa dadkan lagu soo qabqabtay howlgallo ay saraakiisha ammaanka ka sameeyeen 38 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay.
Waxay isugu jiraan 1,198 shacab ah, 38 boolis ah iyo 10 ka tirsan ciidamada difaaca dalka.
Sido kale waxaa gacanta lagu dhigay 4 ka mid ah ciidamada asluubta 4 sarkaal oo ka mid ah saraakiisha dhanka maamulka ee dowladda dhexe , 3 ka howlgalo maxkamadaha iyo sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka ee NIS.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa horay u sheegtay in qofkii la qabto habeenkii oo aanan ka mid ahayn shakhsiyaadka fidiya adeegyada muhiimka ah la gelinaya karantiil muddo 14 cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here