In ka badan 1000 qof oo u dhimatay caabuqa Coronavirus ee Shiinaha

Waxaa sii korortay tirada dadka ee ilaa iyo hadda uu noloshooda galaaftay caabuqa Coronavirus ee saameeyay Shiinaha sido kalena ugu yaraan 25 wadan ku fiday.
Guddiga qaran ee caafimaadka ee Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in la xaqiijiyay dhimashada 1,016 qof.
Waxaa gudaha dalkaas laga soo tabiyay kiisas la xiriira firuusigan oo gaaraya 42,638 in kastoo 2,478 ka mid ah la xaqiijiyay.
Dhanka kale khuburro caafimaad oo ay hay’adda WHO gaysay shiinaha ayaa baaritaano sameynaya.
Wadamada caalamka ayay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku boorinaysaa inay iska kaashadaan dadaalada lagula tacaalayo inuu sii faafo oo ay saameyn dheeraad ah ka dhalato caabuqa Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here