In ka badan 100,000 qof oo soo Codsatay shaqada macallinimada

Kaddib xayaysiin shaqo oo uu soo saaray guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa waxaa codsi diray in ka badan 100 kun oo ruux.
Tiradan ayaa muujinaysa sida uu weli u sarreeyo heerka shaqa la’aanta ee dalka.
TSC ayaa doonaysa inay shaqaalaysiiso ardayda macallinimada bartay si 10,030 ka mid ah loo howlgeliyo.
Waxay wax ka dhigi doonaan dugsiyada sare iyo kuwa hoose dhexe ee dalka si loo yareeyo gaabadka dhanka macallimiinta ee wadanka ka jiro.
97,736 ka mid ah dadka araajida gudbiyay ayaa doonaya inay wax ka dhigaan dugsiyada sare halka 5,182 kalena ay codsadeen inay ka mid noqdaan barayaasha dugsiyada hoose dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here