In ka badan 113 qof oo ku dhimatay Myanmar

Ugu yaraan 113 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen waqooyiga dalka Myanmar kaddib markii ay soo duntay goob macdanta laga soo saaro.
Waxaa dhacdadan loo aaneynayaa dhul go’o halkaas saameeyay kaddib roobab xoggan oo da’ay.
Tar Lin Maung, oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta ee Myanmar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.
Khasaaraha nafeed ayaa yimid kaddib markii qashin laga guray goobta macdanta laga qodo oo hal meel la isugu geeyay uu haro ku daatay taasoo horseeday biyo iyo dhiiqo liqay qaar ka mid ah shaqaalaha goobtaas.
Saraakiisha laamaha gurmadka ayaa ilaa iyo hadda soo helay meydadka 113 qof waxaana jiro kuwo kale oo weli la la’yahay.
In kastoo dhul go’a iyo shilalka kale ay ku badanyihiin wadankaas dhacdadan ayaa lagu tilmaamay midii ugu darneyd in ka badan shan sano.
Sannadkii 2015-kii ayay ahayd markii ilaa 100 qof ay ku dhinteen dhacdo tan la mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here