In ka badan 12 qof oo ku dhimatay dhul go’o saameeyay Nepal

Ugu yaraan 12 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Nepal kaddib dhul go’o ku dhuftay.
Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan dowladda oo lagu magacaabo Murari Wasti , waxay dhibaatadan saameysay labo tuulo.
Sido kale waxaa la la’yahay 21 qof oo dheeraad ah.
Dhimashada ka dhalatay dhul go’a iyo daadadka Nepal tan iyo bishii lixaad ee sannadkan ayaa gaartay 314.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here