In ka badan 12 qof oo lagu dilay ismaamulka Marsabit

Laamaha ammaanka ee dalka ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in lagu dilay dowlad deegaanka Marsabit oo ay weeraro ka dhaceen.
Dadkan ayaa waxaa ka mid ah saddex carruur ah waxaana looga takhalusay laba weerar oo ay gaysteen burcadda dhacda xoolaha.
Waaxda booliska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtayn in falalkaasi looga shakisanyahay inay salka ku hayaan qabiil oo ayna dhexmareen maleeshiyo ka soo jeedo beelo halkaasi wada dega.
Dilalka ayaa ka dhacay tuulooyinka xiga xadka Kenya ay la leedahay Itoobiya.
Burcadda weerarada soo qaadday aya ala baxsaday 1,500 oo nee foo isugu jira lo’o iyo ari.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo guud ahaan dalka uu ka socdo Tirakoobkan qaran waxayna mas’uuliyiinta dhanka ammaanka sheegeen in dhacdooyinkan aynan carqaladeyn doonin barnaamijka lagu xisaabinayo Kenyaanka.
Waxaa bayaanka qeyb ka ah in waaxyaha amniga ee labada dhinac ay iska kaashanayaan in xaaladda la dejiyo sido kalena tallaabo sharciyeed laga qaado burcaddii dilalkaasi gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here