In ka badan 13 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay meel u dhow xadka Suuriya iyo Turkiga

Ugu yaraan 13 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo laga fuliyay meel aan sidaas uga fogeyn xadka ay wadagaan wadamada dariska ah ee Suuriya iyo Turkiga.
Arrintan saameysay magaalada Tal Abyad, ayaa shaaca looga qaaday bayaan ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga.
Dhammaan dadkan ayaa shacab ah waxaana sido kale dhaawacmay 20 kale.
Magaaladan ayaa waxaa ka dhacay dagaalo dhowr ah tan iyo markii milatariga Turkiga uu howlgallo ka dhan ah Kurdiyiinta uu ka billaabay waqooyiga Suuriya.
Ilaa iyo hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda falkaasi in kastoo afhayeenka madaxtooyada Turkiga, Ibrahim Kalin uu fartay ku fiiqay YPG oo xukuumadda Ankara ay uga shakisantahay inay garab siiso dagaalyahaanada Kurdiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here