In ka badan 130 qof oo ku dhintay caabuqa Shiinaha

Waxaa maalinba maalinka ka sii dambeeya sii kordhaya tirada dhimasho ee ka dhalatay caabuqa Coronavirus ee saameeyay wadanka Shiinaha.
Ilaa iyo hadda waxaa uu galaaftay nolosha 132 qof.
Kiisaska cusub ee la soo tabiyay ayaa ah ku dhawaad 6,000.
Waxaa la xaqiijiyay 5,974 kiis oo ka mid ah dhacdooyinka la soo tabiyay.
Dhanka kale dowladaha Japan iyo Maraykanka ayaa billaabay inay boqolaal ka mid ah muwaadiniintooda ay ka daadgureyaan magaalada Wuhan oo dhibaatada ugu badan ay soo gaartay.
In ka badan 56 milyan oo qof oo ku nool 20 ka mid ah magaalooyinka Shiinaha oo ay ka mid tahay Wuhan ayaa laga hor istaagay inay safraan.
Shalay ayay ahayd markii ay kulan wada yeesheen agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ,Tedros Adhanom iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jingping Toddobaadkii hore ayay WHO sheegtay in Shiinaha ay xaalad degdeg ah ka jirto balse aan weli la gaarin heer lagu dhawaaqi karo inay tahay musiibo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here