In ka badan 130,000 qof oo ku barakacay Suuriya

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 130,000 qof ay ku barakaceen waqooyiga wadanka Suuriya tan iyo markii dowladda Turkiga ay halkaasi ka billowday howlgallo milatari.
Barakaca ugu badan ayaa laga soo tabiyay magaalooyinka xiga dhanka xadka Suuriya iyo Turkiga ee Tel Abyad iyo Ras al Ain.
Xafiiska jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan isku duwidda arrimaha bani’aadanimo ee OCHA ayaa sheegay in 400,000 oo shacab ah ay gargaar iyo badbaadin u baahanyihiin.
Turkiga ayaa howlgallada milatari ku bartilmaameedsanaya dagaalyahanada Kurdiyiinta Suuriya.
Xukuumadda Ankara ayaa hoosta ka xariiqday in ujeedada laga leeyahay tallaabooyinkan ay tahay sidii gudaha Suuriya looga sameyn lahaa meelo nabdoon oo dib loo dejin karo 3.6 milyan oo qof oo qaxooti ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here