In ka badan 14 qof oo ku dhimatay dabeyl ku dhufatay India iyo Bangladesh

Wararka naga soo gaaraya wadamada dariska ah ee India iyo Bangladesh ayaa sheegaya in dabeyl xooggan oo dalalkaas ku dhufatay ay sababtay dhimashada ugu yaraan 14 qof.
10 qof oo dadkan ka mid ah waxay ku dhinteen gudaha India halka dhimashada afarta kalena laga soo tabiyay Bangladesh.
Wararka ayaa intaa ku daraya in kumannaan guri oo ku yaalla dhanka bari ee labadaas dal ay burbureen.
Waxaa hadda socdo gurmad loo fidinaya qoysaska ay arrintan saameysay iyadoo dhinaca kale lala daala dhacaya caabuqa coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here