In ka badan 14 qof oo ku dhimatay shil tareen oo ka dhacay India

Ugu yaraan 14 qof oo rakaab ah ayaa ku dhintay dalka India kaddib markii uu khadka ka baxay tareen ay saarnayeen.
Wasaaradda tareennada ee wadankaas ayaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijisay.
Waxay wasaaraddu sheegtay in shakhsiyaadka shilka ku dhintay ay dhammaan ahaayeen shaqaale soo galooti ah oo guriyahooda ku wajahnaa.
Wasiirka wasaaradda tareennada ee India Piyush Goyal ayaa sheegay in weli howlaha samata bixinta ay socdaan halka dhanka kale baaritaano shilkaas ku aaddan la guda galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here