In ka badan 140 wariyaal ah oo shaqooyin ku waayay cudurka COVID19

Saameynta dhaqaale ee uu dalka ku yeeshay cudurka COVID19 waxaa ka mid ah inay shaqo la’aan ku dhacday ugu yaraan 141 wariyaal ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa ururka tifaftirayaasha warbaahinta wadanka Churchill Otieno.
Waxaa uu xusay in wariyaasha shaqooyinkoodii lumiyay ay isugu jiraan 64 haween iyo 77 rag ah.
Xilli uu ka hadlayay kulan qaab online ah ayuu warbaahinta dalka iyo suxufiyiinta ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadaha dhanka dijitaalka.
Mr Erick Watnik oo safaaradda Maraykanka ee Kenya u qaabilsan arrimaha bulshada ayaa sheegay inay ka go’an tahay taageeridda warbaahinta maxalliga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here