In ka badan 1,500 oo ku barakacay Koonfur Afrika

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan 1,500 oo qof oo ajaaniib ah ay isaga qaxeen guriyahooda dalka Koonfur Afrika.
Waxay tani imaanaysa kaddib weeraradii ku saleysnaa ajnabi naceybka ee halkaasi ka dhacay horraantii bishan oo lagu dilay ugu yaraan 12 qof.
Weerarada ayaa lagu bartilmaameedsaday ajaaniibta halkaasi ku sugan iyadoo sido kale boob hantiyeed loo gaystay.
Afhayeenka UNHCR Charlie Yaxley ayaa sheegay in dadka qaxay ay u badan yihiin dad soo galooti ah sida qaxooti iyo kuwa magan-galyo doon ahaa.
Waxaa uu intaasi ku daray in shaqaalaha hay’addan ay toddobaadyadii ugu dambeeyay soo gaarayeen cabashooyin ku aaddan dad hantidooda la boobay sido kalena guriyo laga gubay.
Mas’uulkan ayaa sido kale sheegay inay sare u kaceen falalka burcadnimo ee waddooyinka laga gaysta iyo xadgudubyada jinsiyadeed.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa gudaha Koonfur Afrika laga soo saaray 500 qof oo u dhashay Nigeria.
Qaramada midoobay ayaa laga soo xigtay in 800 qof oo u badan kuwo ka soo jeedo wadamada Mozambique, Malawi iyo Zimbabwe ay codsanayaan in noloshooda la badbaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here