In ka badan 16 qof oo ku dhimatay daadad saameeyay Indonesia

Daadad iyo dhul go’o saameeyay wadanka Indonesia ayaa waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof.
Boqolaal qof oo ku nool degmooyinka jasiiradda Sulawesi ayaa sido kale guriyahooda ka barakacay sida laga soo xigtay waaxda maareysa dhibaatooyinka .
Saameynta ugu weyn ayaa soo gaartay degmada North Luwu ee koonfurta Sulawesi sida uu sheegay Raditya Jati oo ah afhayeenka waaxdan.
Waxaa weli socdo howlaha samatabixinta ee lagu raadinaya 23 qof oo dheeraad ah.
Bishii koowaad ee sannadkan ayay ahayd markii daadad Indonesia ku dhuftay ay ku dhinteen 66 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here