In ka badan 16 qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Suuriya

Ugu yaraan 16 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dalka Suuriya gaar ahaan gobolka Idlib kaddib weerar dhanka cirka ah oo la gaystay.
Duqeynta ayaa lala eegtay suuq aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalo ay fallaagada haystaan.
Waxay wararku sheegayaan in la rumeysanyahay in duqeyntu ay fuliyeen diyaaradaha Suuriya ama Ruushka taasi oo saameysay magaalada Maaret al-Numan ee dhacda gobolka Idlib.
In ka badan 30 qof ayay dhaawacyo ka soo gaareen falkan iyadoo qaar ka mid ah ay xaaladoodu liidato.
Tan iyo markii bishii afaraad ee sannadkan , ciidamada Suuriya ay howlgalo ka billaabeen gobolkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 2,000 oo qof halka kumannaan kalena ay barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here