In ka badan 160 qof oo ku dhimatay dibadbaxyada Itoobiya

Ugu yaraan 166 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen mudaharaadyada rabshadeysan ee dalka Itoobiya.
Dibadbaxyada ayaa ka dhashay dilkii heesaaga caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeessa.
Guddoomiye ku xigeenka booliska ee gobolka Oromia Girma Gelam, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dadka halkaas ku dhintay ay isugu jiraan 145 shacab iyo 11 ka mid ahaa ciidamada ammaanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in 10 qof oo dheeraad ah lagu dilay gudaha caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here