In ka badan 1,600 oo qof oo Shiinaha ugu dhimatay caabuqa Corona

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee gudaha wadanka Shiinaha ugu dhintay caabuqa saameeyay ee Coronavirus taasoo ilaa iyo hadda gaartay 1665.
Hay’adda caafimaadka adduunbka ee WHO ayaa dhanka kale dowladda Shiinaha ku ammaantay dadaalada ay kula tacaalayso faafidda cudur sidaha waxayna wadamada kale ee caalamka ugu baaqday inay ku daydaan.
Sido kale wadanka Faransiiska ayaa laga diiwaangeliyay kiiskii ugu horreeyay ee dhimashada la xiriirra Coronavirus ee laga soo tabiyo qaaradda Yurub kaddib markii uu dhintay qof dalxiis u joogay oo dhalasho ahaan ka soo jeedo gobolka Hubei ee Shiinaha.
Agaasimaha guud ee hay’adda WHO Tedros Adhanom ayaa dalalka dunida ugu baaqay inay laba jibaaraan dadaalada ka dhanka ah Firuusigan maadaama sida uu hadalka u dhigay aynan suurtagal ahayn in la ogaado jahada uu saameyn karo.
Maamulka gobolka Hubei ee Shiinaha ayaa mamnuucay ciriiriga dhanka baabuurta hasa ahaate waxaa uunan amarkan saameyn doonin baabuurta booliska , gawaarida degdegga ee loo yaqaano Ambulance , baabuurta sida waxyaabaha muhiimka ah iyo kuwa ay dadweynaha ku safraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here