In ka badan 17 qof oo lagu karantiilay Isiolo

Dowladda hoose ee ismaamulka Isiolo ayaa sheegtay in karantiil la geliyay ugu yaraan 17 qof oo la rumeysan yahay inay la macamileen bukaan dhawaan laga helay cudurka Covid-19.
Bukaanka oo ka mid ah ganacsatada tuulada Garbatula ayaa yimid Nairobi ka hor inta uunan dib ugu laaban ismaamulkaas oo baaritaano la sameeyay lagu ogaaday inuu cudurka haleelay.
Dadka xiriirka la sameeyay ayaa hadda ku jiro goob gaar ah oo ku taalla Garbatula.
Sido kale waxaa dabagal lagu hayaa in ka badan 50 qof.
Barasaabka ismaamulka Isiolo Maxamad Kuti ayaa sheegay in la howlgeliyay laba baabuur oo ay adeegsanayaan saraakiisha caafimaadka iyo kuwa ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here