In ka badan 18 qof oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Suuriya

Hay’ad u ololeysa xuquuqul aadanaha oo uu fadhigeedu yahay ingiriiska ayaa sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay gudaha dalka Suuriya ay ku dhinteen ugu yaraan 18 qof.
Weeraradan ayaa laga gaystay gobolka Idlib ee ay fallaagadu haysato waxaana dadka dhintay ka mid ah 7 carruur ah.
Hay’addan oo loo yaqaano SOHR ayaa dusha kala socoto xaaladaha baniaadanimo ee Suuriya.
Dowladda madaxweyne Bashar al-Assad ayaa wacad ku martay inay gobolkaasi si buuxda ugala wareegi doonto kooxaha ka soo horjeeda balse ilaa iyo hadda waxay u muuqataa inaan weli guul weyn laga gaarin howlagalada militari ee socday in ka badan laba bilood.
Sido kale hay’addan ayaa warbaahinta u sheegtay in tan iyo bishii afaraad ee sannadkan ay korortay tirada shacabka ee ku dhintay howlgalada ciidamada difaaca ee Suuriya waxayna gaartay 682 qof.
Dhanka kale kooxda dowladda dalkaasi ka soo horjeedda ayaa mudadaasi gudaheed dishay 53 qof oo shacab ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here