In ka badan 19 qof oo ku dhimatay dibadbaxyada India

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha ka dhashay mudaaharaadkii dhawaan ka dhacay magaalada New Delhi ee dalka India iyadoo ilaa oiyo hadda la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 19 qof .
Dr Rajesh Kalra oo ah madaxa isbitaalka Guru Teg Bahadur ayaa laga soo xigtay in dhaawaca qaar ay ahaayeen kuwo la toogtay.
Wuxuu intaas ku daray in hadda ilaa 15 qof oo ay xaaladooda liidato weli la daaweynaya.
Ciidamada booliska ayaa sunta dadka ka ilimeysiisa u adeegsaday inay ku kala eryaan dibadbaxayaasha dhagaxaan isku tuurayay.
Iskudhacyada ayaa dhexmaray kumannaan qof oo ka soo horjeedo sharciga muranka dhaliyay ee la xiriira jinsiyadda iyo kuwa kale oo taageersan.
Booliska ayaa dhanka kale lagu eedeyay inay isticmaaleen rasaas dhaawac iyo dhimasho sababtay.
Waxaa uu xeerka dadka qaar ay taageerayaan kuwo kalena ka soo horjeedaan dhigayaa in jinsiyadda India la siin karo shakhsiyaadka diin ahaan laga tira badan yahay ee ku nool wadamada xukuumadda New Delhi dariska la ah waxayna dadka qaar ku tilmaameen mid laga dheehan karo takoor diimeed oo ka dhan ah muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here