In ka badan 19 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Masar

Ugu yaraan 19 ruux ayaa ku dhintay qarax laga gaystay caasimadda dalka Masar ee Qaahira halka 30 kalena ay dhaawacmeen.
Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa laga soo tabiyay afaafka hore xarunta machadka la tacaalo cudurka kansarka ee wadankaasi.
Wasaaradda caafimaadka ee Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qaraxu uu sido kale dhaliyay burbur xooggan.
Waxaa bayaanka wasaaradda qeyb ka ah in la daadgureeyay dad bukaan ah oo xaruntaasi ku jiray.
Hasa ahaate ma jirto caddeyn ama warbixin rasmi ah oo muujinaysa in dhacdadaasi ay weerar ahayd iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here