In ka badan 19 qof oo lagu dilay Congo

Ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay jamhuuriyadda dimuqaraadiyadda Congo ee DRC kaddib weerar ay gaysteen koox fallaaga ah.
Falkan ayaa ka dhacay bariga wadankaasi wuxuuna ku soo aadaya iyadoo shacabka DRC ay ciidamada nabad sugidda ee qaramada midoobay iyo saraakiisha ammaanka ay ku eedeynayaan inaynan ku guulaysan badbaadinta nolosha dadweynaha.
Arrintan iyo khasaaraha ka dhashay ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha magaalada Beni , Donat Kibwana.
Wuxuu intaasi ku daray in halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo ay milatari ka mid yihiin si ay amniga u sugaan.
Axaddii ayay ahayd markii weerar kale oo ka dhacay isla magaaladaasi Beni lagu dilay 8 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here