In ka badan 2 milyan oo Kenyaan ah oo macluul qarka u saaran

Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 milyan oo qof oo Kenyaan ah ay halis ugu jiraan inay macluul saameyso.
Waxaan weli si buuxda looga soo kaban saameyntii ka dhalatay abaartii ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka taasi oo hoos u dhac ku keentay wax soo saarka beeraha halka qiimaha cunnooyinka kala duwan uu sare u kac ku yimid.
Maamulkan ayaa intaasi ku daray in 47-da dowlad deegaan ee dalka ismaamulada laga cabsi qabo in saameynta ugu weyn ee dhanka macluusha ay soo gaartay ay yihiin Turkana, Marsabit, Baringo ,Wajeer, Garissa, Tana river iyo Isiolo.
NDMA ayaa ku talinaysa in dowladdu iyo hay’adaha kale ay qaadaan tallaabo degdeg oo ka hor tag ah.
Warbixinta maamulkan waxaa lagu xusay in bishan July gudaheeda ay sare u sii kici doonto tirada shacabka ee u baahan gargaar cunno marka la barbardhigo bishii shanaad ee sannadkan oo tiradaasi ay ahayd 1.6 milyan oo qof.
Laba bilood ka hor ayay ahayd markii madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK ,Patrick Njoroge uu ka digay in sannadkan kobaca dhaqaale ee dalka uu hoos u dhici karo boqolkiiba 5.9.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here