In ka badan 2 qof oo ku dhimatay iskudhacyada Narok

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Narok ,Samuel Kimiti

Ugu yaraan 2 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen iskudhacyo laga soo tabiyay ismaamulka Narok .
Waxay sido kale dhaawacyo culus soo gaareen laba qof oo dheeraad ah.
Dagaal beeleedka ayaa saameeyay deegaanka Koonfurta Narok gaar ahaan tuulooyinka Olooloipanki iyo Oloruashi.
Dhibaatadan ayaa loo aaneeyay neef lo’a ah oo la sheegay in la soo xaday shalay subax .
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Narok ,Samuel Kimiti ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hal eedeysane oo falkaas lala xiriirinaya halka dhanka kale baaritaano la guda galay.
Deegaankaas ayaa hadda laga soo sheegaya xaalad kacsan waxaana la geeyay ciidamo dheeraad ah si ay ammaanka u sugaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here