In ka badan 20 ka mid ah xildhibaanada India oo laga helay coronavirus

Saraakiil ka tirsan dowladda dalka India ayaa sheegtay in ugu yaraan 25 xildhibaan oo ka mid ah golaha xeer-dejinta ee wadankaas laga helay COVID19.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo tirada guud ee kiisaska fayraska ee India laga cabsi qabo inay dhawaan kor u dhaafaan 5 milyan.
Mudanayaasha ayaa la baaray kaddib inta aan dib loo furin baarlamaanka oo xirnaa 6 bilood.
12 ka mid ah siyaasiyiintan waxay ka tirsan yihiin xisbiga haya talada India ee (BJP).
Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ee dalka Indonesia ayaa diiwaangelisay xaalado cusub oo COVI19 oo dhan 3,507.
Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee Indonesia ayaa hadda ah 225,030.
Waxaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha wadankaas cudurka ugu dhintay 124 qof oo dheeraad ah waxayna hadda dhimashada guud ee India tahay 8,965.
Ilaa iyo hadda waxaa uu guud ahaan dunida cudurka COVID19 saameeyay ugu yaraan 29.2 milyan oo qof.
Cudurka waxaa u dhintay 928,576 qof waxaana ka caafimaaday ku dhawaad 20 milyan sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladaha fayraska corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here