In ka badan 20 qof oo ku dhimatay Tanzania

Ugu yaraan 20 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen kaniisad ku taalla wadanka Tanzania.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Moshi ee waqooyiga Tanzania sida laga soo xigtay sarkaal dowladeed oo lagu magacaabo Kippi Warioba.
Mr. Warioba ayaa intaas ku daray in laga cabsi qabo in tirada dhimasho oo ka dhalatay isbuurasho ay sare u sii kacdo.
Isbuurashada ayaa timid kaddib markii baadari magaciisu lagu sheegay Boniface Mwamposa uu dhulka ku daadiyay waxaa uu ku sheegay saliid barakeysan.
Dadka goobta ku sugnaa oo aad u tiro badnaa ayaa billabay inay saliidaas gacanta la gaaraan si ay ugu subkadaan maadaama ay aaminsanyihiin inay daawo u tahay xanuuno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here