In ka badan 20 qof oo ku dhintay duqeymo laga fuliyay Suuriya

Ugu yaraan 21 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarro dhanka cirka ah oo laga gaystay gobolka Idlib ee dalka Suuriya.
Waxaa sare loo sii qaaday howlgallada ay fulinayaan ciidamada ammaanka ee Suuriya oo bartilmaameedsanaya fallaaggada iyagoo garab ka helaya kuwa Ruushka.
Weerarrada ayaa lala eegtay suuq iyo dukaamo u ag-dhow sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay ururka difaaca maddaniga ee Civil Defence ,Axmed Sheikho.
Ugu yaraan 82 qof ayay dhanka kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen duqeymaha .
Waxay wararku intaas ku darayaan inay suurtagal tahay in tirada dhimashada ay sii kororto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here