In ka badan 20 qof oo lagu dilay Congo

Elements of FIB Malawi contingent patrol with DRC Governmental Forces during joint operations against FDLR near Tongo, the 19th of March 2014. © MONUSCO/Sylvain Liechti

Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay jamhuuriyadda dimuqaraadiga Congo ee DRC kaddib weerar ay koox fallaago ah ka gaysatay dhinaca bari.
Fallkaasi ayaa lagu eedeyay dagaalyahaanada kooxda (ADF) wuxuuna ka dhacay magaalada Beni.
Isku duwaha gobolkaas, Donat Kibwana ayaa khasaaraha weerarka ka dhashay u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP .
Dadka la dilay ayaa u badnaa beeraley ay ka mid yihiin 13 haween ah.
Hal maalin ka hor ayay ahayd markii 6 qof oo shacab ah lagu dilay isla magaalada Beni.
Horraantii bishan ayay ahayd markii 26 qof looga takhalusay weerarro kala duwan oo midkood laga fuliyay tuulada Mantumbi halka labada kalena ay ka dhaceen meel u dhow degmada Kamango.
Hay’adda u doodda xuquuqul aadanaha ee CEPADHO ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 150 qof ay fallaago dishay tan iyo bishii Tobnaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here