In ka badan 20 qof oo lagu dilay Suuriya

Ugu yaraan 22 qof oo shacab ah oo ay carruur ka mid yihiin ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay waqooyiga galbeed ee wadanka Suuriya.
Khasaaraha nafaeed ayaa ka dhashay weeraro dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Suuriya oo garab ka helaya Ruushka.
Waaxda difaaca maddaniga ee The Syrian Civil Defence oo sido kale loo yaqaano White Helmets ayaa laga soo xigtay in duqeymaha lagu bartilmaameedsaday magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Idlib.
Axmed Sheikho, afhayeenka waaxdan ayaa warbaahinta u sheegay in sagaal ka mid ah dadka la dilay looga takhalusay magaalada Tal Mannis, 6 kale waxay ku dhinteen Bidama halka dhimashada 5 kalena laga soo tabiyay magaalada Maasaran, hal qof waxaa lagu dilay tuulada al-Kanayes mid kalena Maar Shamshah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here