In ka badan 20 xildhibaan oo doonaya inuu is casilo William Ruto

Ugu yaraan 20 ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ka wada tirsan xisbiyada Jubilee iyo ODM ayaa ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu xafiiska banneeyo.
Waxay ku eedeynayaan inuu xaqirayo shaqaalaha dowladda ee bulshada u adeego.
Arrintan ayaa timid maalmo un kaddib markii William Ruto uu jeediyay hadal uu ku dhaliilayay saraakiisha dowladda dhexe kaasi oo loo fasirtay inuu ka dhan ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi iyo xoghayihiisa Karanja Kibicho.
Ruto ayaa xusay in shaqaalaha dowladda sida uu hadalka u dhigay aan looga baahneyn inay muujiyaan inay dadweynaha ay u adeegaan iska weynaysiinayaan.
William Ruto ayaa u muuqday inuu ka jawaabayay hadal ka soo yeeray Matiangi oo ahaa in isaga iyo Kibicho ay u shaqeeyaan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo amarrada uu siiyo ay si buuxda u dhaqangelinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here