In ka badan 200 oo arday Kenyaan ah oo deeq waxbarasho ka helay Shiinaha

Ugu yaraan 200 oo ka mid ah ardayda u dhashay dalka ayaa sannadkan ka faaiiday deeqda waxbarasho ee ay bixiso dowladda Shiinaha.
Waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay sare u sii kacayay tirada ardayda Kenyaanka ah ee dalkaasi waxbarasho u tagaya.
Deeqdan tacliinta ayaa qeyb ka ah dadaalada labada wadan ay ku sii xoojinayaan iskaashiga ka dhexeya waxaana la billaabay sannadkii 2013-kii.
Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ayaa ah in dhanka waxbarashada garab lagu siiyo ardayda ka soo jeedo qoysaska saboolka ah.
Ardaydan ayaa isugu jiro 182 wax ka soo baran doono jaamacadaha Shiinaha iyo 50 ka soo jeedo qoysaska danyarta ah oo laga bixinayo qarashaadka ay ku dhiganayaan jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka.
Safaaradda Shiinaha uu ku leeyahay magaaladatani Nairobi ayaa sheegtay in ugu yaraan 2,400 oo ah arday Kenyaan ah ay Shiinaha ku soo waxbarteen tan iyo sannadkii 1982-dii.
Xoghayaha ugu sarreeya ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan dhanka maamulka Mr. Ababu Namwamba ayaa dowladda Shiinaha uga mahadceliyay sida Kenya ay garab uga siinayso dhanka waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here