In ka badan 200 oo kun oo qof oo coronavirus ugu dhimatay caalamka

Tirada dadka ee ilaa iyo hadda wadamada kala duwan ee caalamka ugu dhimatay cudurka Covid-19 ee uu sababo caabuqa coronavirus ayaa kor u dhaaftay 200,000 oo qof sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhankeeda ka digtay in si buuxda loogu kalsoonaado inay jiraan dadka xanuunka ka bogsaday.
WHO waxay hoosta ka xarriiqday inaynan jirin caddeyn tilmaamaysa in qofka cudurka ka bogsaday uunan mar labaad ku dhici Karin.
Guud ahaan caalamka kiisaska Coronavirus ee la xaqiijiyay ayaa kor u dhaafay 2.88 milyan halka dadka covid-19 ka bogsaday ay yihiin 813,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here