In ka badan 200 qof oo ku dhimatay roobab ka da’ay qaar ka mid ah wadamada Asiya

Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 221 qof Koonfurta Aasiya bilihii la soo dhaafay, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen Jimcihii.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa ku go’doonsan Nepal, Bangladesh iyo India boqollaal kunna way ka carareen guryahooda
Saraakiisha India ayaa sheegay in daadad iyo dhoobo ay dileen 16 qof oo dheeri ah waqooyiga-bari siddeed qofna ay kudhinteen dhismeyaal ku yaal magaalada Mumbai, taasoo tirada dhimashada ee dalka ka dhigeysa 101 qof ,
Nepal waxay sheegtey ugu yaraan 117 dhimasho bishii la soo dhaafey halka Bangladesh laga soo sheegey saddex.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here