In ka badan 20,000 oo qof oo cudurka COVID19 looga baaraya Vietnam

Waxaa magaala madaxda dalka Vietnam ee Hanoi lagu qabanayaa baaritaan wadareed la xiriira cudurka COVID19 oo lagu bartilmaameedsanaya 21,000 oo qof.
Dadkan ayaa ka mid ah shakhsiyaad dhawaan laga soo daadgureeyay magaalada ku taalla bartamaha wadankaas ee Danang .
Maamulka caasimadda Vietnam ayaa maanta oo khamiis ah sheegay inuu ku dadaalaya sidii loo xakameyn lahaa kiisaska si maxalli ah la isugu gudbinaya tan iyo bishii Afaraad ee sannadkan.
Baaritaan wadareedka ayaa soconaya laga billaabo maanta ilaa iyo Sabtida.
Tani ayaa timid kaddib markii magaalada Hanoi laga xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee cudurka oo la rumeysan yahay inuu ka soo gudbay dhanka Danang.
Waxaa la xiray baararka ku yaalla gudaha caasimadda Vietnam iyadoo dhanka kale la mamnuucay isku imaatinka dadweynaha waxayna amarradan dhaqangaleen saqdii dhexe ee xalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here