In ka badan 280 kun oo qof oo shaqo la’aan noqday saddexdii bilood ee ugu horreysay sannadkan

Waaxda qaran ee qaabilsan keydinta macluumaadka ee KNBS ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Kenyaan ay tiradoodu tahay 287,481 ay shaqa la’aan noqdeen intii u dhaxaysay bilihii Janaayo iyo maarso ee sannadkan.
Tiradan ayaa lagu xusay warbixin sannadkiiba afar mar la soo saaro taasoo shalay la soo bandhigay .
KNBS ayaa sido kale sheegtay in Kenyaanka shaqa la’aanta ah ay tiradoodu korortay boqolkiiba 1.7 saddexdii bilood ee ugu horreysay sannadkan.
Waxay tani u dhigantaa 18.1 milyan halka tiradan ay bishii 12-aad ee sannadkii hore ahayd 17.8 milyan.
Sido kale waxaa boqolkiiba 1.6 hoos u dhacday shaqaleysiinta gudaha wadanka.
Waaxdan ayaa sheegtay in saameynta ugu badan ee dhanka shaqa la’aanta ay soo gaartay Kenyaanka ay da’dooda u dhaxaysa 15 ilaa 19 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here