In ka badan 29 qof oo lagu dilay Burkina Faso

Ugu yaraan 29 qof ayaa lagu dilay dalka Burkina Faso kaddib markii ay dhaceen laba weerar.
Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in kolonyo baabuur ah oo cunno waday iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka ay miinada dhulka lagu aaso kula qaraxday dhanka waqooyi.
Afhayeenka dowladda Burkina Faso , Remis Fulgance Dandjinou ayaa sheegay in mid ka mid ah weerarrada oo ay ku dhinteen 15 qof laga gaystay degmada Barsalogho .
Waxaa uu bayaanka uu soo saaray ku xusay in dadka dhintay ay u badnayeen ganacsato.
Meel kale oo goobtaasi u jirta masaafo dhan 50 kiilomitir ayuu ka dhacay weerarka labaad ee ay ku nafwayeen 14 qof.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarradaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here