In ka badan 3 milyan oo qof oo coronavirus looga baaray magaalada Wuhan ee Shiinaha

Maamulka magaalada Wuhan ee wadanka Shiinaha ayaa sheegay in tan iyo bishii Afaraad ee sannadkan uu baaritaano la xiriira caabuqa coronavirus ku sameeyay ugu yaraan 3 milyan oo qof.
Waxaa uu qorshuhu yahay in la baaro 11 milyan oo ah tirada shacabka halkaas ku nool.
Magaalada Wuhan ayaa ah halka uu dabayaaqadii sannadkii hore ka soo billowday fayraska Corona ee dunida saameynta ba’an ku yeeshay .
Guud ahaan caalamka in ka badan 4.4 milyan oo qof ayuu haleelay cudur sidaha Corona.
Waxaa cudurka uu sababo ee Covid-19 u dhintay ugu yaraan 301,000 halka 1.6 milyan oo kalena ay ka bogsadeen sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here