In ka badan 3 milyan oo qoys oo uu cudurka covid-19 saameeyay

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in qoysas ay tiradoodu kor u dhaafaysa 3 milyan ay saameyn gaar ah ka soo gaartay caabuqa corona.
Cudurka sii faafaya ayaa wax u dhimatay ilihii dhaqaale ee ay nolosha qoysaskan ku tiirsaneyd.
Xoghayaha dhanka maamulka ee wasaaradda caafimaadka Dr. Rashid ayaa sheegay in cudurka covid-19 uu saameyn aan horay loo arag ku yeeshay caafimaadka, howlaha dhaqaale iyo kuwa bulsho ee dalka.
Hasa ahaate waxaa uu raja wanaagsan ka muujiyay in Kenya ay ka soo kaban doonto culeyska soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here