In ka badan 30 qof oo ku dhimatay Congo kaddib dooni degtay

Ugu yaraan 30 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Congo ee DRC kaddib markii ay gaddoontay dooni weyn oo ay saarnayeen.
Waxaa weli la la’yahay tiro kale oo dhowr ah kaddib markii dooni ay saarnayeen ay ku dhex degtay harada Mai-Ndombe ee u dhow tuulada Lokanga.
Duqa magaalada Inongo oo ay tuuladani hoos tagto Simon Mbo Wemba ayaa warbaahinta u sheegay in la helay meydadka 30 qof oo isugu jiro 12 haween ah , 11 carruur ah iyo 7 rag ah.
Tiradan ayaa ah mid hor dhac ah waxaana suurtagal ah in meydad dheeraad la helo oo ay sii kororto.
Ilaa iyo hadda ma cadda tirada rasmiga ee dadka doontu ay sidday balse saraakiisha dalkaasi ayaa ku qiyaasaay boqolaal qof.
170 qof ayaa haradaasi laga soo samata bixiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here