In ka badan 30 qof oo ku dhimatay daadadka Madagascar

Ugu yaraan 31 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen gudaha wadanka Madagascar.
Tani ayaa ku soo aadaysa hal toddobaad un kaddib markii waqooyiga galbeed ee wadankaas ay roobab culus ka da’een.
Waxaa roobabka ka dhashay fatahaado halka 15 qof oo dheerad weli la la’yahay sida ay sheegtay wakaaladda Madagascar u qaabilsan maareynta musiibooyinka .
Daadadka ayaa saameyn weyn ku yeeshay degmooyinka Mitsinjo iyo Maevatanana.
Ra’iisul wasaaraha dalkaas Christian Ntsay ayaa ku dhawaaqay inay jirto musiibo qaran.
Waxaa guriyahooda ka barakacay ku dhawaad 107,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here