In ka badan 30 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay Nigeria

Ugu yaraan 30 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarro ismiidaamin ah oo galinkii dambe ee shalay ka dhacay dalka Nigeria.
Waaxda qaabilsan la tacaalidda xaaladaha degdega ee dalkaasi ayaa sheegeysa in weerarada laga gaystay dhinaca bari.
Saddex qof oo isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee hool ama meel shirarka lagu dhigo oo ku taalla magaalada Konduga.
Magaaladan ayaa masaafo dhan 38 kiilomitir u jirtay Maiduguri oo ka tirsan gobolka Borno.
Madaxa waaxda maareynta xaaladaha degdega ee Nigeria ee (SEMA), Usman Kachalla ayaa sheegay in tirade dhimashada ay horay ahayd 17 qof ka hor inta aynan sii badanin.
Sido kale waxaa uu carrabka ku dhuftay in falalkaasi ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here