In ka badan 30 qof oo shacab ah oo lagu dilay Yemen

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanto gudaha dalka Yemen ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ah oo uu fuliyay isbeheysiga milatari ee garab siinaya dowladda wadankaas lagu dilay ugu yaraan 30 qof oo rayid ah.
Waxaa sido kale khasaaraha nafeed ee falkaas ka dhashay xaqiijisay qaramada midoobay oo ku tilmaantay mid laga xumaado.
Bayaan ka soo baxay xafiiska jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan isku duwidda arrimaha baniaadanimo ayaa lagu sheegay in 31 qof oo shacab ah lagu dilay weerarka halka 12 kalena ay dhaawacmeen.
Weerarka ayaa laga gaystay gobolka waqooyi ee al-Jawf ee wadanka Yemen.
Waxaa uu ku soo aaday saacado un kaddib markii Xuutiyiinta ay sheegeen inay soo rideen mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga.
Tani iyo sannadkii 2015-kii waxaa gudaha Yemen ku dagaalamayay kooxda Xuutiyiinta ee dowladda dalkaas ka soo horjeedda iyo isbeheysiga milatari ee uu Sacuudiga hoggaaminayo taasoo taageeraysa maamulka halkaas ka arrimiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here