In ka badan 300 oo ah xaaladaha cusub ee coronavirus oo laga xaqiijiyay Kuuriyada Koonfureed

Waxaa maalinkii shanaad oo xiriir ah dalka Kuuriyada Koonfureed laga diiwaangeliyay ugu yaraan 300 oo ah kiisaska cusub ee caabuqa corona.
Maamullada caafimaadka ee wadankaas ayaa ka digaya in la soo saari karo xayiraado dheeraad ah oo lagu xakameynaya faafidda cudurka.
Wakaaladda Kuuriyada Koonfureed u qaabilsan ka hor tagga iyo xakameynta cudurada ee (KDCA) ayaa sheegtay inay maanta diiwaangelisay xaalado cusub oo dhan 330.
Tiradan ayaa shalay ahayd 386 waxayna hadda tirada guud ee xaaladaha cudurka COVID-19 ee Kuuriyada Koonfureed gaartay 30,733 halka ay xanuunka u dhinteen 505 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here