In ka badan 300 oo kiisas corona Virus ah oo dalka laga diiwangaliyay

Kenya ayaa maanta diiwaangelisay 373 kiis oo cusub oo ‘Covid-19’ ah ka dib markii la baaray dad gaaraya 4,663 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Kiisaska maanta la helay ayaa tirade guud ka dhigaysa 33,389.
Nairobi ayaa wali hogaamisa tirada kiisaska cusub ee dalka laga diiwangaliyo .
Nairobi ayaa laga xaqiijiyay (117), Busia (66), Nakuru (37), Kisii (32), Homa Bay (15), Kiambu (12), Kisumu (11 ), Uasin Gishu (8), Gaarisa (7), Isiolo (7), Narok (7), Taita Taveta (7), Mombasa (6), Murang’a (5), Migori (5), Kajiado (4) , Kirinyaga (4).
Xoghayaha Maamulka Caafimaadka dalka uq aabilsan Dr Rashid Aman ayaa sheegay in 72 bukaan oo kale ay kasoo bogsadeen cudurka tas oo tirsada kabsashada ka dhigaysa 19,368.
Dr Aman ayaa wuxuu sheegay in sedex bukaan ay u dhinteen Covid-19, taas oo dhimashada guud gaarsiisay 567.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay diyaarisay talaabooyiin lagula dagaalamayo fyruskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here