In ka badan 3000 oo ilaa iyo hadda u dhimatay Coronavirus

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay cudurka COVID-19 ee uu sababo caabuqa Coronavirus waxayna kor u dhaaftay 3,000 oo qof guud ahaan caalamka.
Dowladda Shiinaha ayaa shaaca ka qaadday in la diiwaangeliyay 42 kiisas hor leh oo dhimasho ah .
Tani ayaa tirada guud ee ilaa iyo hadda caabuqa Coronavirus ugu dhimatay Shiinaha ka dhigaysa 2,912.
Iiraan ayaa waxaa laga soo tabiyay 11 kiisas dhimasho oo dheeraad ah waxayna tirada dadka gudaha wadankaas cudurkan noloshoodu ku galaaftay gaartay 54 waana tii ugu badneyd marka laga soo tago Shiinaha.
Dalka Talyaaniga waxaa uu caabuqa Coronavirus saameeyay 1,694, halka Faransiiska tiradaas ay tahay 130.
Wadamada Czech Republic, Scotland iyo jamhuuriyadda Dominican ayaa lagu arkay kiisaskii ugu horeeyay ee Caabuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here